MAM IYO SIIN

MAM IYO SIIN

Maxammed Gaanni

7,73 €
IVA incluido
Disponible
Editorial:
Looh Press
Año de edición:
2024
ISBN:
9798989732845
7,73 €
IVA incluido
Disponible

Selecciona una librería:

  • Librería Samer Atenea
  • Librería Aciertas (Toledo)
  • Kálamo Books
  • Librería Perelló (Valencia)
  • Librería Elías (Asturias)
  • Donde los libros
  • Librería Kolima (Madrid)
  • Librería Proteo (Málaga)

Marka si guud loo qiimeeyo waxa ruuxda quudiya ama qadiya, dareenka dharjiya ama gaajo ku rida, dhiigga kiciya ama dejiya, qalbiga qafaasha ama isu dhiiba, waxa ugu mudan ee ugu mug iyo macne weyn waa caashaqa. Waa caashaqa ay qaarkood dhahaan waa magaca loo bixiyo jacaylka aan xiriir ku guulaysan, qaarna ay dhahaan waa jacayl gaammuray oo aan dan ka lahayn xiriir iyo goyn oo labadaba ku tanaada oo ku sii barbaara, qaar kale na ay dhahaan jacayl iyo caashaqba waa uun laba magac oo ka turjumaya dareen isku mid ah laakiin se ka la heer ah. Waa caashaqa boqollaal jaad ku yimaada, sida loo la falgalana ay dhaliso in uu noqon mid dhuleed ama mid cir, qofkiisana bada in uu adduunka ku khasaaro, ku waasho, ama uu dhinto ama in uu dunida walxaha iyo kulka jirka dhaafo oo uu guul iyo guuldarraba u duuliyo xaggaa iyo cirkii ay ruuxdu ka soo hayaantay.Waxaa jirta in ay aadanuhu si gaar ah u dhiteeyaan jacayl degaan uun si uun caan uga noqday, inta badan ama giddigoodna la oran karo waxaa ay ka sinnaayeen guuldarrada dhalisay in uu soo ifbaxo oo uu qarsoonida qalbiga iyo sirta nafta inta uu ka fakado carrabbada dadka iyo erayadooda ka dhigta dabayshii dunida oo dhan gaarsiin lahayd. La yaab ma leh oo aadanuhu dareen ahaan waa xuub jilicsan oo si fudud ku dillaaca, waxaa se ugu liibaan iyo farxad badan kan marka uu xuubkiisaasi dillaaco uga faa’idaysta sidii uu ugu hayaami lahaa cirka. Cidna la ma oran caashaqa iska ilaali, loo ma na diidin in uu dareennadiisa dharjiyo e, waxa keliya ee ku duugan caashaqa waa in uu yahay imtixaanka ruuxda iyo jirka, qof walbana ay tahay in marka uu caashaqa dhadhamiyo uu iska dhawro u hoobashada caashaq beenaadka jirka, beddelkeedana uu u dhoofo xaggaa iyo cirka. Taa ayaa caashaqa ka dhigta caashaq macaan badan, laakiin se dhammaan sheekooyinka caashaqu marka ay guuldarraystaan ee ay kashifmaan waa ay waaraan haddii ay gaarsiisnaayeen heer uu xanuunkoodu u qalmo in uu ku safro sadcaalka waayaha iyo giraanta dunidaan ay jiilba jiil ka dhaxlayaan. Qisadeennaanina waa uun mid ka mid ah caashaqyadii dunida ugu xanuun badnaa ee ay waayuhuna sida ay u caddibeen si la mid ah ay ugu sooreen safarka waayaha iyo sabirsiinta qalbiyo kale oo qawladahooda ku dhiigbaxaya.Sida uu leeyahay sheekh Axmed Yasawi, jacaylka ma aha walax iyo jir la jeclaadee, waa jacaylka xaqa iyo xaqiiqada, waxa kalana waa suurad ku baraysa jacaylka dhabta ah, jidkiisana ku gu duwaysa haddii aad sirta fahamtid ’qofkii caashaqa aqoonsada, naftiisa wuu halmaamaa, mar haddii uu gacaliyihiisa la joogana, wax dhiba uma uu arko haddii unuunka laga jaro,Buuggaan oo aan markii labaad dib u turjumay waxa uu inoo sidaa laba sheeko, laba jacayl, amaba afar. Laba barbaar oo dhinac ah, laba barbaar oo dhinac kale ah, laba walaal oo dhan ah iyo laba saaxiib oo dhan kale ah. Macaan iyo kharaar, kul iyo qabow, guul iyo guuldarro, raf iyo raaxo, silic iyo  sareedo, iyo dareenno badan ayaa uu inoo sidaa, waxaana la gu xardhay erayo amakaag iyo ashqaraar leh oo ay isa ga dambeeyeen laba sheekh, laba suufi, laba suugaanyahan, laba daaci, laba qoraa, laba fiqi oo labaduba Kurdi ahaa. Waxaa markii hore i waday jacaylka afkeenna iyo hayaanka tanaadintiisa iyo macaanka sheekadaan sida ay ugu qalanto in ay dhitadiisa ka mid noqoto. Markaa hore waxaan horjeed ku mamman sheekadaan, markaan dambana waxaan islahaa ha kuu noqoto naqdiin afkeennana mar kale dhitadiisa sii kordhisa. Haddii ay tii hore tan ka macaan tahay waan ka cudurdaaranayaa, daliilna waxay iigu noqonaysaa in jacaylkii iyo mammaantii hore ay iga dhinteen, ruuxdayduna ay sii faaruqgaraacaysa. Haddii ay tani tii hore kaa la heer sarraysana, waxaan ku faraxsanahay in aanay ruuxdaydu wada hooban, sidii hore ka badanna aan sheekadaan ugu mammanahay, afkeennana aan weli ilmihiisii ahay. Ka bogasho wacan iyo xulasho wanaagsan dhammaanteen.

Artículos relacionados

  • Poetry Is Our Ministry to Touch the Heart
    Anelda Lukesia Ballard / Jean Anelda Scott
    Poetry is Our Ministry to Touch the Heart, was birthed when Anelda L. Ballard became ill. God spoke to her in a dream and said 'pick up a pen and write' by being obedient this book was written through the Holy Spirit. Anelda and her mother Jean A. Scott believes that God’s wants to heal a hurting heart. This book will inspire you and encourage you to never give up hope. Jesu...
    Disponible

    11,12 €

  • I soldati lunghi
    Pierluigi Romeo di Colloredo Mels
    Il 24 maggio 1915 il Regno d’Italia entrò nella Grande Guerra, che si sarebbe dimostrata il momento più alto e tragico della sua storia, a poco più di cinquant’anni dalla sua unificazione.In quella lotta tremenda durata quattro anni, la Brigata Granatieri di Sardegna , con i suoi due valorosi Reggimenti, i più antichi del Regio Esercito scrisse, nel grande quadro della guerra d...
    Disponible

    32,59 €

  • Five Beneath Philly
    Susan Bandy / Tom Richmond
    Allen Williams plans to make something of his life and escape South Philly and the work at Cross Brothers’ Meat Packing Plant. He prepares himself with excellent grades and an upcoming full-ride scholarship to climb out of South Philly forever. Then fate changes his whole world. An only son in a family of six, Allen suddenly finds himself responsible for his mother, grandmother...
    Disponible

    18,28 €

  • Forms
    Sharon Welch
    I am an award-winning artist and my works hang in private residences, community hospitals, businesses, and restaurants across the US and also abroad.  I live in Pierre, South Dakota. Since 2008 I have owned Sharon Welch Gallery and Studio where I paint and teach classes.  My theory is have fun, remove the fear of failure, experiment and let the child inside of you play.Very oft...
  • Ricordi di una ausiliaria
    Andrea Lombardi / Raffaella Duelli
    Le memorie di Raffaella Duelli, Volontaria nel Battaglione Barbarigo della Decima Flottiglia Mas iniziano con la partenza del Barbarigo da Roma, narrando la lunga marcia del reparto verso il nord, sotto il mitragliamento degli aerei Alleati. Quindi, è descritta vividamente l'ultima battaglia del Barbarigo sul Fronte Sud, dal Senio a Comacchio: gli appunti di Raffaella, giov...
    Disponible

    28,08 €

  • Why Didn’t You Ask?
    Panya Dixon
    From an early occurrence in her childhood to a perilous thirteen-year relationship, Panya Dixon too often suffered from various forms of physical, emotional, and sexual abuse. Conflicted between love and the pain her loved ones brought on her, she consistently had to fight for her life and her will to move on. Why Didn’t You Ask? is an expression of Panya’s truth—her trials, pa...
    Disponible

    20,35 €

Otros libros del autor

  • FARRIIN
    Maxammed Gaanni
    Waxaan uga jeedaa gabadha Ilaahay rumaysan, tan yaqiinsan jiritaanka Ilaaha keli ah ee aanay cidina asaga iyo sifooyinkiisa waxba la wadaagin, rumaysanna in kaligi uu yahay kan waxtara ee aanay jirin cid kale oo waxtarta, iyo in uu yahay kan wax dhiba haddii uu doono ee aanay cid kalanan wax dhibi karin. [Rumaysan] dadka oo dhan in ay xaggiisa u laabanayaan maalinta qiyaamaha e...
    Disponible

    6,93 €

  • MIID & MALAB
    MAXAMMED GAANNI
    Buuggeennaan labadaa buugyare xambaarsan waxa uu ka sheekaynayo waa edeb uu qoraagu sheegay in uu ka soo minguuriyay dadkii hore, dabcan, sida aan dareemi karnana aan ka marnayn waayo-aragnimadiisii uu ka dhaxlay ku dhexjirkii iyo u adeegiddii hoggaamiyayaal kala duwan. Waxa uu buuggaan ka ga warramayo badi waa hagaajinta nafta iyo waxbariddeeda, sida aad madaxda ula dhaqmaysid...
    Disponible

    8,01 €

  • Al-Munqid
    Maxammed Gaanni
    'Nin hali ka luntay haan gunteedna waa ka dayaa.'-Maahmaah Soomaaliyeed. Al-Munqid minad Dalaal waa xogwarranka waaya-arag xaqiiqadoonnimadu meelo badan ka tuurtay, saymo badanna u galay. Imaam Qasaali waxa uu inooga warramayaa waayihiisi aqooneed iyo waxyaalihii uu kala kulmay raadinta xaqa iyo ka gungaaridda afkaarihii ku hareeraysnaa xilligaa. Waxa uu si aan gabbasho lahayn ...
    Disponible

    12,98 €