FARRIIN

FARRIIN

Maxammed Gaanni

6,93 €
IVA incluido
Disponible
Editorial:
Looh Press
Año de edición:
2024
ISBN:
9798989732838
6,93 €
IVA incluido
Disponible

Selecciona una librería:

  • Librería Samer Atenea
  • Librería Aciertas (Toledo)
  • Kálamo Books
  • Librería Perelló (Valencia)
  • Librería Elías (Asturias)
  • Donde los libros
  • Librería Kolima (Madrid)
  • Librería Proteo (Málaga)

Waxaan uga jeedaa gabadha Ilaahay rumaysan, tan yaqiinsan jiritaanka Ilaaha keli ah ee aanay cidina asaga iyo sifooyinkiisa waxba la wadaagin, rumaysanna in kaligi uu yahay kan waxtara ee aanay jirin cid kale oo waxtarta, iyo in uu yahay kan wax dhiba haddii uu doono ee aanay cid kalanan wax dhibi karin. [Rumaysan] dadka oo dhan in ay xaggiisa u laabanayaan maalinta qiyaamaha ee shakigu uusan ku jirin, daahana uu ka qaadi doono wax kasta oo dahsoonaa ee asturnaa iyo xaqiiqo walba oo qarsoonayd. Waa maalinta shallayto iyo qoommamo ay haysato qofkii ku kadsoomay adduunyada, ku xadgudbay amarrada Ilaahay, waana maalinta farxadda iyo raynraynta uu ku jiro qofkii adduunka u fahmay sida dhabta ah ee uu yahay, ka na dhigtay kaalmo uu ku helo Ilaahay raalligelintiisa.Waxba ku ma jabna in aanan u la jeedin tan Ilaahay maqashay ee aan waxbana ka fahmin, erayga ’iimanna’ dhaxashay asaga oo ah halhays carrabka saaran, waxa uu xambaarsan yahayna aan hubsan jeer uu noqdo caqiido qalbigeeda ku jirta. Waxaa laga yaabaa in magaca Ilaahay uu carrabkeeda ku soo noqnoqdo labaatan jeer maalinkii, laakiin aanay hal marna bishii ama sannadkii ku baraarugayn awooddiisa weyn. Haddii la xusuusiyo ama ay ku fakartana ka ma ay taqaan wax ka badan sida ay dhahaanba, in uu yahay xaqiiqo weyn oo qarsoon, sida Ether[1]-ka aysan ka aqoon wax ka badan in uu yahay sir qarsoon oo ka mid ah siraha koonka. Haddii etherka ay rumasan tahay uu agaasin ku leeyahay habdhaqankeeda iyo qaabka nolosheeda, rumaysnaanteeda Ilaahayna awooddaa oo kale bay ku yeelan lahayd. Iimaankaan oo kale lama yiraahdo iimaan, in looga jeedo u ekaysiin iyo maldahid mooyaane. Iimaankaan oo kale qalbiga ma dhaxalsiiyo wax Alle ka cabsi ah, qofkiisana meelna u ma uu dhigo, waxna ku ma uu laha toosinta wax uun ka mid ah qaab nololeedka iyo habdhaqanka. Iimaankaan raqiiska ah waxa uu si badan ugu firirsan yahay bulshooyin ku nool Yurub iyo daafaha Maraykanka, waxaana uu kuu muuqanaya asaga oo barbar socda wax walba oo bulshadaas la karkarayso ee leh : fasahaadka anshaxa, cabbursanida nafeed iyo ku maashoobidda aan kalareebka lahayn ee sakhradda nolosha maaddiga ah ee qalloocan.Anigu se, waxaan warkayga uu buuggaani xambaarsan yahay u la jeedaa gabar walba oo Ilaahay rumaysan, iimaan ayadu ay si xor ah u dooratay, ka dhashay raalli ahaanta qalbigeeda iyo dareenkeeda nafeed, waxaana hubaa in bulshadeenna ay buuxdhaafiyeen hablo iimaankaan oo kale leh. Waxaan u jeedsanayaa gabar walba oo gunta qalbigeeda ka rumaysan Ilaahay, si aan ugu dhaho:Jiritaankeenna noloshaan waa dhab, dhabtana waa ay ka sii halis badan tahay! Haddaba, sawirashada cawaaqibkeedu yaanay kaa daahin nooc walba oo jaadadka soojiidashadeeda ka mid ah, liidashadeeduna yaanay ku hilmaansiin farabadnida kuwa baacsanaya. Ha illaawin in ay dadku xagga Ilaahay ugu ambabaxayaan saacad imtixaan ah ayaga oo og ama warmoog ah, waxaana la ga yaabaa in ay saacaddaasi dheeraato ama ay gaabato, laakiin se mar walba ka badan mayso saacad jirrab ah. Mar haddii ka tallaabidda saacaddaa imtixaanka ah ay tahay qaddar si siman uga dhexeeya rag iyo dumarba, waxay haweenaydu ka ga duwan tahay ninka qaadista culays kale oo adduunka inta la joogo aad khatar u ah, aakhirana raad weyn ku yeesha!..

Artículos relacionados

  • Poetry Is Our Ministry to Touch the Heart
    Anelda Lukesia Ballard / Jean Anelda Scott
    Poetry is Our Ministry to Touch the Heart, was birthed when Anelda L. Ballard became ill. God spoke to her in a dream and said 'pick up a pen and write' by being obedient this book was written through the Holy Spirit. Anelda and her mother Jean A. Scott believes that God’s wants to heal a hurting heart. This book will inspire you and encourage you to never give up hope. Jesu...
    Disponible

    11,12 €

  • I soldati lunghi
    Pierluigi Romeo di Colloredo Mels
    Il 24 maggio 1915 il Regno d’Italia entrò nella Grande Guerra, che si sarebbe dimostrata il momento più alto e tragico della sua storia, a poco più di cinquant’anni dalla sua unificazione.In quella lotta tremenda durata quattro anni, la Brigata Granatieri di Sardegna , con i suoi due valorosi Reggimenti, i più antichi del Regio Esercito scrisse, nel grande quadro della guerra d...
    Disponible

    32,59 €

  • Five Beneath Philly
    Susan Bandy / Tom Richmond
    Allen Williams plans to make something of his life and escape South Philly and the work at Cross Brothers’ Meat Packing Plant. He prepares himself with excellent grades and an upcoming full-ride scholarship to climb out of South Philly forever. Then fate changes his whole world. An only son in a family of six, Allen suddenly finds himself responsible for his mother, grandmother...
    Disponible

    18,28 €

  • Forms
    Sharon Welch
    I am an award-winning artist and my works hang in private residences, community hospitals, businesses, and restaurants across the US and also abroad.  I live in Pierre, South Dakota. Since 2008 I have owned Sharon Welch Gallery and Studio where I paint and teach classes.  My theory is have fun, remove the fear of failure, experiment and let the child inside of you play.Very oft...
  • Ricordi di una ausiliaria
    Andrea Lombardi / Raffaella Duelli
    Le memorie di Raffaella Duelli, Volontaria nel Battaglione Barbarigo della Decima Flottiglia Mas iniziano con la partenza del Barbarigo da Roma, narrando la lunga marcia del reparto verso il nord, sotto il mitragliamento degli aerei Alleati. Quindi, è descritta vividamente l'ultima battaglia del Barbarigo sul Fronte Sud, dal Senio a Comacchio: gli appunti di Raffaella, giov...
    Disponible

    28,08 €

  • Why Didn’t You Ask?
    Panya Dixon
    From an early occurrence in her childhood to a perilous thirteen-year relationship, Panya Dixon too often suffered from various forms of physical, emotional, and sexual abuse. Conflicted between love and the pain her loved ones brought on her, she consistently had to fight for her life and her will to move on. Why Didn’t You Ask? is an expression of Panya’s truth—her trials, pa...
    Disponible

    20,35 €

Otros libros del autor

  • MAM IYO SIIN
    Maxammed Gaanni
    Marka si guud loo qiimeeyo waxa ruuxda quudiya ama qadiya, dareenka dharjiya ama gaajo ku rida, dhiigga kiciya ama dejiya, qalbiga qafaasha ama isu dhiiba, waxa ugu mudan ee ugu mug iyo macne weyn waa caashaqa. Waa caashaqa ay qaarkood dhahaan waa magaca loo bixiyo jacaylka aan xiriir ku guulaysan, qaarna ay dhahaan waa jacayl gaammuray oo aan dan ka lahayn xiriir iyo goyn oo l...
    Disponible

    7,73 €

  • MIID & MALAB
    MAXAMMED GAANNI
    Buuggeennaan labadaa buugyare xambaarsan waxa uu ka sheekaynayo waa edeb uu qoraagu sheegay in uu ka soo minguuriyay dadkii hore, dabcan, sida aan dareemi karnana aan ka marnayn waayo-aragnimadiisii uu ka dhaxlay ku dhexjirkii iyo u adeegiddii hoggaamiyayaal kala duwan. Waxa uu buuggaan ka ga warramayo badi waa hagaajinta nafta iyo waxbariddeeda, sida aad madaxda ula dhaqmaysid...
    Disponible

    8,01 €

  • Al-Munqid
    Maxammed Gaanni
    'Nin hali ka luntay haan gunteedna waa ka dayaa.'-Maahmaah Soomaaliyeed. Al-Munqid minad Dalaal waa xogwarranka waaya-arag xaqiiqadoonnimadu meelo badan ka tuurtay, saymo badanna u galay. Imaam Qasaali waxa uu inooga warramayaa waayihiisi aqooneed iyo waxyaalihii uu kala kulmay raadinta xaqa iyo ka gungaaridda afkaarihii ku hareeraysnaa xilligaa. Waxa uu si aan gabbasho lahayn ...
    Disponible

    12,98 €