Librería Samer Atenea
Kálamo Books
Librería Elías (Asturias)
Librería Kolima (Madrid)
Librería Proteo (Málaga)
Mooge iyo Kharaabad wuxuu ka mid yahay taxanaha sheekooyinka Mooge.Aroor ayuu sidii caadada u ahayd Mooge jidkii dugsiga u qabsaday, isagoo hareerihiisa dayma-daymoonaya ayaa QAC indhihiisu waxay ku dhaceen gaadhi waa hore ciddii lahayd waddo cidlo ah kaga tageen.Intuu ku leexday ayuu is yidhi ka war keen gaadhigan maanta. Markuu dul yimise, wuxuu la kulmay wax mala-awaalkiisa xadanteeyay. Waa Kharaabad-gaadhi duug ah muu arkine wuxuu arkay gaadhi mucjiso badan. Gaadhi duulaya oo geeyay adduun kala fog oo bad iyo berriba leh, wuxuu arkay tiirriyo iyo geel heesaya. Wuxuu la kulmay Shimbirtii Hillaac ee ilaalinaysay cirka iyo bahalkii laga wada baqayay ee Hadh Waraabe.Intuu socdaalladaas ku jiray waxaa u kordhay waaya-arag qiimo leh, wuxuu ogaaday in geesinimada iyo baqdintu xidhiidh leeyihiin iyo in naxariistu ka awood badan tahay xoogga iyo dagaalka.